Latest News

Laacibka Morocco Ee Ashraf Xakiimi Wuxu Ku Faana Hooyadiisii Saboolnimada Kusoo Korisay

Dooxa,Qatar December 12,2022(Haatufonline)-Laacibka xulka kubadda cagta ee Morocco Ashraf Xakiimii oo ka dhashay qoys sabool ah ayaa haatan noqday qof ay soo galaan malaayin Doolar sanadkii. Xakiimii wuxu u ciyaaraa naadiga Faransiiska uga caansan ee Paris Saint-Germain waxaanu qaataa mushahar todobaadle ah oo qiimajiisu yahay $ 215,000. Waxa kale oo lacagi kasoo gashaa xayeysiisyada ganacsiga ee uu ka muuqdo. Marka la isku daro dakhligiisa bishii waxa lagu qiyaasi kara hal milyan oo Doolar.Hasa yeeshee Ashraf Xakiimi waxa uu ka sheekeeya saboolnimadii ay aabihi iyo hooyadii kusoo koriyeen oo uu ku faanaa. Lacibkan waxay hooyadii nadiifin jirtay guryaha aabihiina waxa uu suuqa dhigan jiray keeiyoone ay saranyhiin alaab uu iibinjiay.

Xakiimii labadiisa waalid waxay ka tageen dalka Morocco waxanay u haajireen jireen dalka Spain,waxaanu Xakiimi ku dhashay oo uu ku barbaaray dalka Spain waxa seh uu doortay inuu ku biiro xulka kubadda cagta ee dalkiisii hooyo ee Morocco(Marooko) kaasoo haatan ka qaybgalaya ciyaaraha Koobka Aduunka ee ka socda dalka Qatar iyadoo xulka Morocco noqday kii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee gaadha wareega 4aad( semi-final) ee ciyaaraha Koobka Aduunka abid,waxaanay Khamiista wada ciyaari doonaan dalka Faransiidka halka Argentine iyo Croatia ay ciyaari doonaan Salaasada iyadoo ay labada kooxood ee badiyaa ay isku soo hadhi doonaan ciyaarta ugu dambaysa ee Koobka lagu kala hantiyayo.

Xikiimi ayaa ka dib markii ay ka badiyeen dalka Belgium waxa uu abaaray halka ay taageerayaasha Morocco ku urursanaayeen ee ay ciyaarata ka daawanayeen waxaanu madaxa iyo cagaha ka dhunkaday hooyadiisii kusoo korisay lacagta yar ee laga siinjiray guryaha ay nadiifiso,waxaanu u bixiyey oo uu siiyey garankiisii xulka Morocco ee uu gashaan lambar 2 . Habdhaqankan waxa iyaguna ciyaarihii dambe kaga dayday xubnaha kale ee Xulka Morocco.Dunida Muslimka oo dhan ayaa looga khushuucay waalid-ixtiraamka iyo baarinimada Xakiimi u muujiyey hooyadii,waxaana la isku raacay in dhalaan iyo dhalinyaro badani ay kaga dayn doonaan oo taasii soo celin doonto ixtiraamkii iyo adeecnimadii waalidka oo qaar ka mid bulshooyinka Muslimka ah ka baaba’y.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*