Latest News

Laba Hawlgal Oo Qaraxyo Lagaga Hortagay Sh/ Dhexe Iyo Khawaarij Lagu Dilay.

Jawhar,December 11,2022(Haatufonline)-Waxa 48kii saacadood ee u dambeeyey laga hortagay 2 qorsheyaal oo kooxda Alshabaab damacsaneyd inay qaraxyo ka fuliso gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda ayaa weeraro la beegsaday laba goobood oo ku kala yaala deegaanka Dhaba-Libeey iyo deegaanada u dhaxeeya Basra iyo Sabyo ,waxaanay dawladdu sheegtay in hub, walxaha qarxa iyo xubno ka tirsan Alshabaab lagu soo qabtay hawlgaladaasi iyadoo laga gaadhay intii aanay fulinin qorsheyaashoodi qarxinta ahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*