Latest News

Laacibka Real Madrid Ee Rodrygo Silva Oo 2:0 Kaga Reebay Chelsea Horyaalkii Kooxaha Yurub

London,April 19,2023(Haatufonline)-Laacibka kooxda Real Madrid ee Rodrygo Silva ayaa caawa naadiga reer London ee Chelsea ka reebay tartankii horyaalka kooxaha kubadda cagta ee Yurub kadib markii uu laba gool ku dhaliyey.

Rodrygo oo da’diisu tahay 22 kana soo jeeda dalka Barazil ayaa labada gool ku dhaliyey Chelsea daqiiqadii 58 iyo daqiiqadii 80.

Iska horimaadka labadan kooxood ayaa waxa lagu qabtay garoonka Chelsea ee Stamford Bridge waxaanay ciyaartii ku dhamaatay 2:0
Real Madrid ayaa guushan ka dib waxa u u gudbay afar-dhamaadkii (quarter final) tartanka horyaalka kooxahaaYurub.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*