Latest News

Dawlada Shiinaha Oo Adeegsanaysa Farsamooyin Cusub Si Ay Dib Usoo Celiso Kalsoonidii Ganacsiga Iyo Maalgashiga

Beijing,April 17,2023(Haatufonine)-Waxa dalka Shiinaha bishi hore kusoo guryo noqday maalqabeenka caanka ah ee Jack Ma kadib markii uu dibad wareeg ahaa muddo sanad ah . Soo noqashada Jack Ma ayaa dadka qaar u arkaan ififaale ah in dawladda Shiinahu ay wax ka dabcinayso siyaasad iyo xeerar qalafsan oo ay hore ugu soo rogtay ganacsiga iyo maalgashiga dalka taasoo dhibaatooyin ku keentay koritaanka dhaqaalaha dalka Shiinaha. Waxa kale oo dhawaan dalka Shiinaha soo gaadhay Tim Cook oo ah madaxa shirkadda Apple iyadoo uu la kulmay masuuliin ka tirsan dawladda Shiinaha sida wasiirka Ganacsiga Wang Mentoa. Waxaana warbaahinta lagu sheegay in Tim Cook mudada u joogo Shiinaha u u kuur gali doono ilaa xadka ay dawladu diyaar u tahay inay ka noqoto siyaasadaheedii hore ee ku saabsanaa dhaqdhaqaaqa gancsiga iyo maalgashiga iyadoo ay bishii February ahayd markii la waayey Mr Fan Bao mulkiilihii baanka China Renaissance ee hadana mar dambe la ogaaday in dawladdu gacanta ku hayso oo ay wax ka waydiinayso nin ka mid ahaan jiray masuuliinta baankiisa,arintaas oo niyad jab iyo baqe ku ridday maalqabeenada dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Dhinaca kale gobolka Hainan oo ah jaziirad ku taala cidhifka koonfureed ee dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan talaabooyin dhiirigalinaya ganacsiga iyo maalgashiga. Talaabooyinkaasi waxa ka mid ah in aanay xadhig kula deg degi doonin ganacsatada ku kacda falal sharciga baalmarsan inkastoo ay taasi shaki kale abuurtay.

Ku-dhawaad 80% shaqo-abuurka iyo 60% wax-soo-saarka (GDP) ee dalka Shiinaha ayaa waxa loo tiriyaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo maalgashiga gaarka ah.

Inkastoo masuulinta Shiinuhu ay muujiyeen talaabooyin soo dhawayn ah isla markana afkan ka sheegeen inay albaabadii adkaa dib u fur furayaan, hadana dawladdu wali waxba kamay badalin siyaasadeedii ahayd in xisbiga Shuuciga ah ee talada dalka hayaa uu soo faragalin karo arimaha ganacsiga iyo maalgashiga gaar ka ah oo u isgu majaraha u qabto guud ahaan dhaqaalaha dalka taasoo wali walaac iyo kalsooni la’aan ku beeraysa maalqabeenada iyo ganacsatada gudo iyo dibadba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*