Latest News

Laba Shaqaalaha UNICEF Ka Tirsan Oo Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho, October 27, 2020 (Haatufonline) – Laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka caafimaadka ee hay’adda UNICEF ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shaqaalahan ayaa lagu khaarajiyey qarax ka dhacay degmada Kaxda oo ka tirsan gobolka Banaadir, xili ay ka shaqaynayeen ololaha talaalka dabeysha, kaas oo dhawaan laga daahfuray magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi lagu dilay labada qof ee ka tirsan shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF.

Dhinaca kale War ka soo baxay UNICEF ayaa lagu cambaareeyey dilkaasi shaqaalaha gargaarka ee hay’adda UNICEF lagu bartilmaameedsaday.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray wakiilka UNICEF ee Somalia, Jesper Moller inay aad uga naxeen weerarkaasi shaqaalahooda lagu dilay, isla markaana ay naftooda u waayeen iyagoo u adeegaya caafimaadka oo muhiimad siinayay caruurta nugul.

“UNICEF waxay ka naxday weerarka ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ku waayeen naftooda laba shaqaale gargaarka ban’aadanimo ka tirsan. Tani waxay muujinaysaa sida shaqaalaha ka hawlgalaya cudurka dabayshu ay furinta hore ugu jiraan, khatarna ay u galinayaan naftooda sidii ay u gaadhsiin lahaayeen adeegyada caafimaadka caruurta nugul. Waxaanu tacsi u diraynaa qoysaska dhibanayaasha.

“Weerarrada lagu qaado shaqaalaha caafimaadka waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga waana in aan loo dulqaadan,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay UNICEF, kaas oo intaasi ku daray “UNICEF waxay si aad ah u cambaaraynaysaa weerarka fulaynimada ah, waxaanay ugu baaqaysa dawladda inay samayso baadhintaan dhamaysitiran oo cadaalada lagu horkeenayo kuwii ka dambeeyey falkan.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka uu soo saaray wakiilka UNICEF ee Somalia, Jesper Moller.

Si kastaba ha ahaatee maamaha markii ugu horaysay ee shaqaale ka shaqaynaya caafimaadka lagu dilo Somalia, balse waxay ahayd dabayaaqadii bishii May ee sanadkan 2020-ka markii todobada ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka lagu dilay xarun caafimaad oo ku taala koonfurta Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*