Latest News

Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay In Somaliland Aanay Marnaba Aqbali Doonin Inay Qayb Ka Noqoto Barnaamijka Ay Qaramada Midoobay Ugu Talogashay Somalia 2021-25 Dawladaha Deeqaha Bixiyana Kala Kulmi Doonaan Arintan.

Hargeysa,October 27,2020(Haatufonline)-Wasiirka Qorsheynta Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa barnaamijka Qaramada Midoobay ay ugu talogashay inay ku bixiso mucaawinooyinka mudada 2021-2020 ku tilmaamay shaadh Daeladda Federaalka Somalia loo tolay oo Somaliland ka dhigaya dawlad goboleed hoostimaadda Federaalka Somalia.Mr Gaafaadhi oo saxaafadda maanta u waramay ayaa waxa uu sheegay in barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay meel ka dhac ku yahay qaranimadda dalkiisa isla markaana aanay dawladda Somaliland marnaba aqbali doon inay qay ka noqoto qorshahaa.Somaliland ayaa laga bilaabo salaasadi doraad hakad galisay dhamaan wada shaqeynti iyo iskaashigi ay la laheyd hayadaha qaramada midoobay waxaanu wasiirku sheegay inay arintan kala hadli doonaan dawladaha bixiya deeqaha ee soo mariya Qaramada Midoobay oo hadii mawqifka Somaliland la tixgalin waayo ay hakintu saarnaan doonto xidhiidhki iskaashi ee u dhaxeyn jiray qaramada midoobay iyo dawladda Somaliland iyadoo u xusay in hawlihii ay xukuumadda Somaliland hore u ansixisay ay inta sanadka ka hadhay usii socon doonaan sidii loogu talogalay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*