Latest News

Laba Wiil Oo Kasoo Goostay Alshabaab Oo Sheegay Inay Xamili Kari Waayeen Duqaynta

Xarardheere,February 2,2023(Haatufonline)-Cabdifataax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifataax Aadan Abdikariim oo laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa maanta isu soo dhiibay ciidanka dawladda Somalia ee ku sugan aagga Xarardheere ka dib markii ay kasoo goosteen kooxda Alshabaab iyadoo ay sheegeen inay xamali kari waayeen duqaynta joogtada ah ee Alshabaab lala beegsado taasoo ay yidhaahdeen waxay khasaare farabadan oo nafeed u geysteen ciidanka Alshabaab.

Saraakiisha ciidanka iyo maamulka degmada ayaa labaduba kusoo dhaweeyey deegaanka Caad labadan xubnood ee isa soo dhiibay oo markii hore Alshabaab kaga biiray labada gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*