Latest News

Maamulka HCTV Oo Ka Hadlay Xadhiga Tifaftiraha Iyo Xayiraada Telefishanka La Saaray

Hargeysa,  (Haatuf) – Maxamed Cabdi Ilig oo ah Agaasimaha Telefishanka HCTV ayaa ka hadlay xadhiga sharciga aan loo soo marine e lagu xidhay Tifaftiraha Telefishanka HCTV iyo Xayiraada Telefiska.

Maxamed Cabdi Ilig oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 18-ka November 2019-ka, waxay ciidamada dambi baadhista Somaliland ay xabsiga u taxaabeen tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Xasan (Coday) kadib markii ay u akhriyeen warqad uu soo qoray Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye. Warqadaasi oo faraysay ciidanka dambi baadhista in Tifaftiraha la xidho, Telefishanka HCTV-na la xayiro, iyadoo warqadaasi uu Wasiirku Iskii u qoray, aan sharcigana loo marin, Maxkamadna aan la gayn, wax dacwad ahna aan lagu soo oogin, xuquuqdii iyo xaqii aanu u lahayn in aanu iska difaacno eedaasi Wasiirku uu soo jeediyey HCTV ahaan aananu helin, taas oo ka soo horjeeda shuruucda iyo qawaaniinta u yaala Somaliland ee uu damaanad qaaday distoorka Jamhuuriyada Somaliland ee xeerka saxaafada (Xeer Lr 27/2004) uu sheegayo qodobadiisa muhiimka ahi in aan saxaafada la xidhi Karin, la hadidi Karin, war loo diidi Karin, oo aan lagu hagar daamayn Karin shaqadooda oo ay gudbin karaan macluumaadka labada dhinac,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ilig oo ah Agaasimaha Telefishanka HCTV.

Agaasimaha HCTV wuxuu sheegay in Sababta Xukuumaddu u qaadday Tallaabada lagu xayiray Telefiishanka, laguna xidhay Tifaftiruhu tahay inay doonayso inaan Telefiishanku aanu Shacabka Somaliland u gudbin dhacdooyinka ka socda Hargeysa, sida Mudaharaadkii Maanta ay Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ka dhigeen Magaalada Hargeysa “Xukuumaddu waxay ka gilgilanaysaa gudbinta iyo ka warramidda waxyaabaha Waddanka ka socda ee Maalinlaha ah, gaar ahaan Mudaharaaddada uu Xisbiga WADDANI ku baaqay, iyadoo taa ka gilgilanaysa ayay Xalay Wasiirrada Xukuumaddu shir galeen, waxayna ansixiyeen inaan Maanta HCTV aan loo ogolaan Gudbinta Wararka ka dhacaya Caasimadda Hargeysa..”

Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Dacwad ay Wasaaradda Warfaafintu ka qabto Warar uu Telefiishanku baahiyey, gaar ahaan Waraysi uu Tv-gu ka qaaday Suldaan Waber oo hoggaamiya Jabhad la sheegay inay ka dhaqdhaqaaqdo Galbeedka Fog ee Gobolka Awdal “Waxa kale oo ay Maalmahanba nagu eedaynayeen Madaarka Hargeysa oo Maareeyuhu naga soo dacweeyay iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ka dacwoonaysa Waraysi aanu ka qaadnay Suldaan Waber..” ayuu yidhi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*