Latest News

Mashruucii Sallaanka Qasriga Musbaarbaa Ku Qaloocday: By. Maxamed Suldaan

Dubaha ninka daabkiisa haya ayaa musbaarka adeegsada si uu loox loox ugu xidho.  Waxa iska cad baryahan danbe in dadkeenu ay wada noqdeen amba u badan yihiin masaabiir iyo looxaan loo adeegsado in loogu fushado danta ay leeyahiin siyaasiyiintu. Waayo sida uu nijaarku u tuuro masaabiirta ka xumaata ayaa dadkana inta ku dhimata amba dhibaato kasoo gaadho hawl gal siyaiasadeed ay siyaasiyiintu u ilaabaan markay dantooda gaadhaan; ku darsoo sida looxa uu nijaarku u kala qayb qaybiyo isagoo adeegsanaya miishaarta ayaa uu siyaasiguna dadka ku kala qayb qaybiyaa isagoo ku guuraya qabyaalada si uu dantiisa oo kaliya u gaadho.

Waxa se xusid mudan in looxa iyo musaabiirta manfaca samaynayaa ay dakhli soo galiyaan ninkii lacagta u dhiibay nijaarka si uu usoo iibiyo alaabta galaysa qandaraaska. Tan waxa la mid ah, inay jiraan dad leh dano gaara oo lacagta usoo dhiiba siyaasiyiinta si hadii ay xilka ku guulaystaan ay ugu fuliyaan danaha gaarka ee ay dadkaas lacagta bixiyey damacsan yihiin. Balse waxa xaqiiq ah inay dadkeenu lacagta arkaan balse aanay ogayn in loo soo qaatay mashruuc dadka lagaga shaqaysanayo oo kaliya.

Mashruuc amba qandaraas waxa bixiya nin lacag haysta oo doonaya in dan uu isagu leeyahay loo fuliyo noocay doontaba ha ahaatee. Anigu waxaan ka shakiyey ganacsatada iyo deeq bixiyayaasha ayaa danta ay leeyihiin daraadeed ugu deeqa siyaasiyiinta. Marka hesiis lala galo ee lacagta lagu wareejiyo nijaarka si uu usoo iibiyo alaabta, si uu iskugu qayb-qaybiyo looxa una cabiro amba iskugu xidho looxa. Adiguba caqligaaga kaashoo la taliyayaasha, koofiyada baclayaasha, qabqablayaasha ayaa ah dadka uu adeegsado siyaasigu si uu dantiisa iyo danta dadka ka danbeyaba u fuliyo.

Nijaarku marka uu samaynayo amaba uu ka shaqaynayo Salaanka lagu korayo qasriga uma naxariisto looxa iyo musaabiirta; uhu horayn looxa waxa uu ku kala qayb qaybiyaa miishaar halka musaabiirtana uu ugu garaaco dubaha si aanay dib uga soo bixin looxa. Tan waxa ay la mid tahay marka ay siyaasiyiinta iyo ganacsatadu dantooda fushanayaan uma aabo yeelayaan waxa ku dhacaya shicibka iyo wadanka ee waxa kaliya oo ay eegayaan waa inuu  hirgalo qorshahoodu, miishaarta ay dadka u adeegsadaana waa qabyaalada. Hadii aan kuu sii fasiro laba loox si la isku xidho waxa la adeegsadaa musbaar isagoo ka dhex baxaya looxa oo aan marnaba diidi Karin awooda dubaha iyo amarka ninka dubaha dabada haya iyada oo la hirgalinayo naqshadii uu soo sameeyey siyaasigu taasoo uu lacagtana soo bixiyey nin dan gaar ah leh oo doonaya inuu kaligii faa’ido.

Sidaa daraadeed dadkeena madaxda inoo ah amba ganacsatada ayuun baa ku guura dadka maxaysatada ah ee aan awoodin inay wax iska difaacaan iyagoo loogaga faa’idaysanayo baahida lacageed ee haysa.  Dubaha iyo miishaarta ayaa ah madax-dhaqameedyada lacagta la siinayo si ay dadka iskugu jabiyaan waayo isagaa dadka midayn kara amba isku diri kara; lasocoo waxa  dubaha iyo miishaartaba dabadooda qabtaa waa siyaasiga siduu doonayaanuu ka yeelaa sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa waa middi laba af leh oo loo adeegsado hadba dhinicii loo qaado xumaha iyo samahaba.

Waa iga talee maskaxdaadu yey noqon, mid lagula leeyahay, oo lagu furo mirqaaniyo, waxaan marinka dhaafin!!

QORE: By. Maxamed Cabdi Jaamac (M. Suldaan)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*