Latest News

Madaarka Muqdisho Iyo Farqiqa U Dhaxeeya Soo Dhaweyntii Madoobe Iyo Deni Ee Doorkan Iyo Xiligii Farmaajo

Muqdisho,May 23,2021(Haatufonline)-Labada madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland ayaa qaab deganaanshe iyo kalsooni ku dheehantahay uga soo degay madaarka Muqdisho taasoo aad uga duwaneyd socdaalkii u dambeeyey ee ay ku yimaadeen Muqdishu iyadoo uu waqtigaa midwalba iskasoo horaysiiyey ciidan aad u hubaysan oo usoo diyaargaroobay inuu wax iska caabiyo hadii lasoo weeraro madaxweynaha uu la socdo.

Dadka indho indheeya siyaasadda ayaa buuqla’aanta Madoobe iyo Deni ku yimaadeen Xamar ku tilmaamay calaamàd muujinaysa rajao fiican in shirka Xalane guul ku dhamaan doono waxaanay barbardhig ku sameeyeen jawigan cusub ee ididiilada leh iyo xiligii uu Farmaajo faraha kula jiray arimaha doorashsda isla markaana uu ciidamada dawlaada u adeegsan jiray arimo siyaasadeed oo uu ku cabudhinyayo siyaasiyiinta ay iska soo horeedaan sida labada madaxweyne goboleed ee Madoobe iyo Deni iyo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha.

Hasayeeshee dadka ka faalooda arimaha siyaasaddu waxay sii jiritaanka rajada fiican ee shirka uga muuqata ku xidhayaan in Farmaajo aanu soo laba kaclayn oo aanu dib u abuurin qas iyo rabshad uu geedi-socodka shirka ku carqaladaynayo.

Connect with us on Facebook