Latest News

Ethiopia Oo Eedo Kaga Jawaabtay Go’aan Maraykanku Cunaqabatayn Ku Saaray Saraakiil Sarsare Oo Ka Tirsan Ethiopiaa Iyo Eritrea

Addis Ababa, May 25, 2021 (Haatufonline) – Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ka jawaabtay go’aankii dawladda Maraykanku ku xayirtay Safarrada saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Bayaan dheer oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in ay Itoobiya ka xuntahay tallaabooyinka ay qaadday Washington, taas oo wiiqi karta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal.

Bayaanka ayaa lagu yidhi “Midda ugu walaaca badan ayaa ah u janjeedhidda  Maraykanka dhinaca TPLF, iyo in uu ula dhaqmo Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF si siman oo isku mid ah.

war-saxaadadeedka oo ka koobnaa dhawr nuqul ayaa lagu soo gabagabeeyey: ” Dowladda Itoobiya kuma niyad jabi doonto go’aankaan nasiib darrada ah ee maamulka Mareykanka. Waxay sii wadi doontaa dadaalkeeda hagar la’aanta ah si looga gudbo caqabadaha jira loona horseedo dalka dariiqa nabad waarta iyo barwaaqo”.

 

Connect with us on Facebook