Latest News

Weeraro Culus Oo Isdaba Joog Ah Oo Khasaare Laxaad Leh U Gaystay Alshabaab

Muqdisho,June 3,2021(Haatufonline)-Khasaare laxaad leh ayaa ururka Alshabaab soo gaadhay todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii ay ciidamada dhulka ee Somalia kala kulmeen weeraro cul culus oo isdaba joog ah.Weeraradaasi oo intooda badani ka dhaceen Shabeelada dhexe iyo gobolka Hiiraan waxa Alshabaab lagaga dilay askar iyo saraakiil tirobadan isla markaana waxa laga sifeeyey degaano ay gacanta ku hayeen oo ku yaala labadaas gobol iyadoo hawgal ay fuliyeen ciidamada Gorgor maalintii Salaasadii oo ka  dhacay degaanka War-Ciise ee ku yaala Shabeelada dhexe ay Alshabaab kaga dileen 25 ka mid ah ciidankooda ooy ku jireen saraakiil sarsare.

Ciidamada Alshabaab ayaa mudadii u u socday murankii doorashada Somalia fursad  u helay inay degaanada qaar ka mid ah isku balaadhiyaan.

Alshabaab ayaa culays dhaqaale urursi ah iyo cabsigalin joogto ah ku haya dadka ku nool degaanada ay gacanta ku hayaan taasoo sababta dhibaatooyin xagga maceeshada ah oo mararka qaarkoodna keenta barakac iyo qaxoontinimo.

Connect with us on Facebook