Latest News

Madaxda Sare Ee Shabaabka Oo Duqaynta Cirka Kaga Gabanaya Meelo Ka Baxsan Somalia

Muqdisho,September 12 2022(Haatufonline)-Sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah oo ku sugan gobolka Jubada dhexe,madaxda sar sare ee Alshabaab ayaa dhawaan si qarsoodi ah uga talaabay xadka ay Somalia la leedahay Itoobiya iyaga oo ka caymaday duqaynta ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku had iyo jeer la beegsadaan.
Madaxda Alshabaab waxa kale oo kusoo korodhay cabsi ay ka qabaan dadweynihii ay ku dhex noolaan jireen mudada dheer ka dib markii ay kacdoono hubaysan oo ka dhan ah Alshabaab ay dhawaan ka dilaaceen gobolada Hiiraan,Galguduud iyo Shabeellada Hoose lana filayo in gobolada kale ay kaga daydaan.
Sababta ay doorteen inay isku qariyaan dhinaca Itoobiya ayaa waxa lagu sheegay inay tahay Alshabaabka oo aaminsan in Itoobiya aanay ogolaan doonin in diyaaradaha drone-ka ay Maraykanku isticmaalaan hawada dalka Itoobiya balse ay Kiiniya markiiba ka ogolaan lahayd Maraykanka hadii ay dhinaca Kiinya u talaabi lahaayeen.

Arintan aag-badalashada ah ayaa sida la sheegay laga qariyey hogaanka qaybta Jabhadaynta iyo xubno ka mid ah Amniyaatka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*