Latest News

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Caawa Socdaal Ku Tagay Dalka Kenya

Nairobi, September 13, 2022 (Haatufonline) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaadhay caawa magaalada Nairobi caasimadda dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto, sida ay sheegtay VillaSomalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda Kenya sida ay usoo dhaweysay.

Tan iyo intii uu Xasan Sheekh uu Madaxweynaha ka noqday Somalia ayaa waxa soo wanaagsanaanaya xidhiidhka Kenya iyo Somalia, waana dalka Kenya uu xiligan usoo dhoofiyaa Somalia qaadka Miirooga oo Kenya ay ka faa’ido malaayiin dollar maalin kasta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*