Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Faray Ciidamadii Eritrea Lagu Soo Tababaray Inay U Diyaargaroobaan Dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho, January 2, 2023 (Haatufonline) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea inay u diyaar garoobaan dagaalka Al-Shabaab laga xoraynayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*