Latest News

Koox Ka Mid Ah Ciidankii Xarardheere Ee Alshabaab Ee Kalajabay Oo Doonaya Inay Badda Ka Gaadhaan Jubooyinka

Dhusamareeb,January 2,2022(Haatufonline)-Kadib dagaalkii dhexmaray iyo kala jabkii dhawaan ku dhacay ciidankii Alshabaab ee degganaa Xarardheere ayaa haatan gaadhay meel xun iyadoo labadii kooxood ee ay u kalajabeen uu xalay oo u dambaysay dagaal ku dhexmaray baadiyaha dhinaca galbeed ka xiga Xarardheere.

Siday noogu warameen ilo xogogaal ah oon rabin in la sheego magacyadoodu, mid ka mid ah labada kooxood ayaa waxa horkacaya rag ay ka midyihiin Fuaad Shoongale waxaanu qorshaha kooxdaasi yahay inay badda maraan oo ay gaadhaan deegaanada Jubooyinka taasoo uu kasoo horjeedsaday hogaamiyaha kooxda kale oo lagu macaabo Xuseen Qoorgaab oo ka mid ahaanjiray saraakiishii militariga Somalia.

Khilaafka labada kooxood ayaa ka dhashay is-faham la’aan ku saabsan sidii ay uga tabaabushan lahaayeen weerarka kusoo maqan ee ciidamada dawladda iyo deegaanku la maagganyihiin Xarardheere oo muddo dheer gacanta ugu jirtay Khawaariijta.Kooxda Qoorgaab ayaa waxa la socda afhayeenki Alshabaab ee Cali Dheere iyo guddoomiyihi laga qabsaday Aadan Yabaal ee Kabokutukade waxaanay iyagu taaganyihiin aan dagaalanno oo yanaan Xarardheere ka bixin. Warar cusub oo soo kordhay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay isugu tageen meel u dhaxaysa Ceelbuur iyo Galhareeri. Alshabaab ayaa 72 kii saacadood ee u dambeeyey laga saaray deegaanada Ceeldheer,Masagawaa iyo Qalcad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*