Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia

Addis-ababa, Sebteembar 28, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*