Latest News

Dawlada Ethiopia Oo Beenisay Eedo Uga Yimid Hay’adda WFP

Addis Ababa, September 26, 2022 (Haatufonline) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta xukuumada dhexe ee dalka itoobiya ayaa lagu beeniyay eedayn ay ha’yada cunada aduunka ee qaramada midoobay (WFP) usoo jeedisay xukuumada dhexe ee Itoobiya.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha WFP, ayaa maanta baahisay in weeraro dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Droneska ee milatariga Itoobiya ay wax yeelo u gaysteen gaadhi wada gargaar bani’aadanimo oo ay leedahay WFP, islamarkaana uu ku dhaawacmay dirawalkii waday.

Hadaba xukuumada dhexe ee itoobiya oo arintaasi ka hadashay ayaa sheegtay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay adeegsanayso gaadiidka haayadaha gargaarka islamarkaana uuna jirin gaadhi ay leedahay WFP oo ay waxyeelo soo gaadhay, balse ay jiraan gaadiid leh calaamadaha haayadaha gargaarka oo ay TPLF u adeegsanayso daabulka ciidanka iyo saanada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*