Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Farxadda Qalin-jebinta Kala qayb-galay 499-Arday Oo Dhamaystay Jaamacadda Burco

Burco, October 19, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay  wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada ah, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay  499 (Afar boqol iyo sagaashan iyo sagaal) Arday oo  sannadkan ka qalinjebisay jaamacadda Burco, kuwaas oo ah dufcaddii  10-aad ee wax ka barata Jaamacadda.

Munaasibadda qalinjebinta Jaamacadda Burco oo laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo Ardayda waxbaratay, islamarkaana loogu mahadnaqayo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, ayaa sidoo kale ardayda loogu jeediyey dardaaran iyo wax sheeg la xidhiidha sidii ay ardaydaasi dalkooda iyo dadkoodaba horumarkiisa uga shaqayn lahaayeen.

Ugu horrayn guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Dr.  Ciise Nuur Liibaan, ayaa ku dheeraaday taariikhda jaamacadda Burco, isaga oo xusay inay Jaamacaddu guud ahaanba gobollada Bariga dalka u ibo-furtay horumar iyo aqoon, islamarkaana ay iyada lafteedu  ballaadhatay oo ay kulliyadaheedu kordheen muddadii ay jireen.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, badhasabaabka gobolka Togdheer iyo maayarka Burco oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa si guud  u  bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxaba ay kula dardaarmeen inay sii wadaan dedaalka ay aqoontooda ku kobcinayaan, iyaga oo xasuusiyey inaanay waxbarashadu marnaba dhammaannin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey ardayda jaamacadda Burco ka ka baxday iyo ciddii gacan ka geysatay guushooda waxbarasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan hambalyeynayaa oo dhiirrigelinayaa waalidkii kusoo tabcsay oo duruufo adag qaarkood ardayda kusoo koriyey, waxa aan hambalyeynayaa Jaamacadda Burco ciddii dhiskeeda, fikirkeeda iyo taladeeda ka hawlgashay, waxa aan hambalyeynayaa macallimiintii iyo maamulka hawshaas qabtay ee ardayda halkaas soo gaadhsiiyey.”

Madaxweynuhu waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen geliyaan dalkooda oo ay shacabkooda u shaqeeyaan, isaga oo xasuusiyey in xil weyn oo qaran dusha ka fuulay, islamarkaana laga sugayo inay nafahooda iyo qarankoodaba horumariyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa  uu  guud ahaanba bulshada ku dhaqan  gobolka  Togdheer uga mahadnaqay sida qiirada iyo waddaniyadda leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga qaran ee uu hoggaaminayo oo maanta gobolka soo gaadhay, isaga oo sidoo kale qaranka Somaliland, gobolka Togdheer, Jaamacadda Burco iyo guud ahaan haweenka ka tacsiyadeeyey geeridii anfariirka lahayd ee ku timi marxuumad Ugbaad Cali oo dhawaan gacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Burco, waxana uu shahaadooyin guddoonsiiyey Ardaydii ugu sarraysay kulliyadaha kala duwan ee maanta ka qalijebisyey Jaamacadda Burco.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu gudaha xarunta guriga martida ee magaalada Burco salaan sharafeed ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka qaranka oo halkaas ku sugnaa.

WA-BILAAHI TAWFIIQ

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*