Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Xarumaha Keydka Taariikhda iyo Taaladda Diyaaradda Hargeysa

Hargeysa, March 1, 2022 (Haatufonline) -Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeeray dhismaha xarun lagu keydin-doono taariikhda qaranka Somaliland iyo casriyeynta taaladda diyaarada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.

Dhismeyaashan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw Gebegebo, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu maalintii shalay xadhiga ka jaray dhismaha buundada dooxa Dacar-budhuq oo aad loogu baahnaa dhismihiisa, maadaama oo xili roobaadka ay dad badani dhibaato ku qabeen, kuwa kalena ay ku dhinteen daadad qaaday.

Connect with us on Facebook