Latest News

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Waxa Mid Kaaliya Oo Ka Mid Ah Baananka Turkiga U Yaala In Ka Badan $12 Milyan.

Istanbuul,February 28,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia Cabdicasiis Laftagareen xisaab uu ka furtay baan ku yaala dalka Turkiga oo magaciisa la yiraahdo Ziraat Bank ayaa lacagta ugu jirta lagu qiyaasay inay kor u dhaaftay 12 milyan oo Doolarka Maraykanka ah.
Xisaabtan oo uu Laftagareen sanadkii hore uun furtay ayaa lacagta ku jirta waxa la aaminsanyahay in badankeedu uu kasoo galay laaluush uu ka qaatay ciddi maalgalinaysay dadki uu u xidhay kuraasti ay Koofur Galbeed ku laheyd baarlamanka Soomaaliya.Doorshada baarlamanka Somalia ayaa waxay socotay mudo aad u dheer iyadoo asbaabaha dibu dhaceedu ay ka mid ahayd musuqmaasaqa ka dhex dilaacay.Musuqmaasuqa ugu balaadhan ayaa wuxu ka dhacay dawlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyadoo xaraadhka halka kursi gaadhay 400-700 boqol kun oo Doolar.Inkastoo dawlad goboleedka Hishabeelle ay si nadiif u hirgalisay doorashadii aqalka sare hadana waxay gadaal kuga biirtay musuqi kadib markii ay bilaabmay doorashadii aqalka hoose ee baarlamanku.DoorashadJubaland iyo Puntland laftarkeeda ayaan si xor oo cadaalad leh u dhicin iyadoo aan la dooran cid Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay raali ka yihiin mooyaane.

Masuuliinta dawlada Somalia ayaa waxay ka simanyihiin inay xisaabo ka furtaan baananka Turkiga kuwaasoo ay ku qarsadaan xoolaha ummadda ee ay kasoo dhacaan dalkooda.Inta badan masuuliintaasi kuma eekaadaan hal xisaab oo kaliya balse waxay xisaabo ka furtaan dhawr baank oo kala duwan.Waxa kale oo ay dalka Turkiga ka iibsadaan hanti u badan guryo iyo shirkadaha Turkiga oo ay sheerar ka iibsadaan.Xaasaska iyo caruurta masuuliinta dawladda Somalia ayaa waxay badankoodu ku noolyihiin dalka Turkiga. Waxa kale oo hawlo caafimaad Turkiga ugu safra sanad walba kumanaan Soomaali ah.Marka la isuu geeyo lacagaha arimahaas kasoo gala Turkiga waxa lagu qiyaasaa ugu yaraan $400 oo milyan oo $ sanadki.

Turkigu waxa kale oo uu Somalia usoo dhoofiya badeecado lagu qiyaaso 350 milyan oo Doolar sanadki mana jirto wax Turkigu kasoo dhoofsado Somalia.Marka la qiyaaso faaiidada Turkiga kasoo gasha Somalia sanadki waxay ku dhaw dhawdahay $750 milyan oo Doolar waxaanay mucaawimada uu Somalia siiyaa ka yartahay 5% faaiidada Somalia kasoo gasha sanadki.

Connect with us on Facebook