Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Afur Iyo Casho Isugu Jira La Yeeshay Culimaa’uddiinka Dalka

Hargeysa, April 30, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo Afur iyo casho isugu jira caawa la yeeshay culimaa’uddiinka kala duwan ee ku dhaqan dalka Somaliland, kuwaas oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka waddanka.

Kulankan Afurka iyo cashada ah oo uu madaxweynuhu si sannadle ah ula yeesho culimada dalka, ayaa ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha kala qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenkiisa, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, waxana ujeeddadiisu tahay is xogwaraysi iyo xaal warran la xidhiidha xaaladda waddanka iyo doorka muhiimka ah ee ay culimadu ugu jiraan bulshada reer Somaliland.

Ugu horrayn qaar kamid ah culimada waaweyn ee waddanka oo ay kamid yihiin Sheekh Cilmi Sheekh Ismaaiil Sheekh Maxamed, Sheekh Mustafe Aadan, Sheekh Axmed Caabbi, Sheekh Ciise Maxamuud iyo sheekh Macallin Maxamed Cabdi Carab oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday kaalinta culimada ee bulshada iyo sida ay ugu hawllan yihiin walaaltinimada iyo isku duubnida shacabka iyo walaaltinimadoodaba, waxana ay ballan qaadeen inay culimo ahaan wada-shaqayn buuxda la leeyihiin xukuumadda talada haysa.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kulan soo gunaanaday, ayaa culimada dalka uga mahadnaqay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jira wada-jirka iyo midnimada bulshada, waxana uu ka codsaday sii laban-laabaan xidhiidhka wanaagsan iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda.

Kulanka culimada iyo madaxweynaha iyo sannadkasta qabsooma, waxana ay madaxweynaha iyo xubnaha culimada ah ee kulankan kasoo qaybgalaa isku weydaarsadaan xogo dhinaca wada-shaqaynta iyo iska war haynta culimada iyo madaxweynaha.

Connect with us on Facebook