Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Boorama, Xadhiggana Ka Jaray Buundada Jaamacadda Cammuud

Hargeysa, October 10, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo magaalooyinka dhinaca bari kaga teedsan.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama, ayaa si aan kala hadh-lahayn madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, waxana iyagoo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen dariiqyada kala duwan ee magaalooyinkaas.

Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaadhay magaalada Boorama, waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee isku xidha Jaamacadda Faca-weyn ee Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore madaxweynuhu u dhagax dhigay.

Hormuudka Jaamacadda, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Injineerrada gacanta ku hayey Buundada Cammuud oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu ugu guntaday inay  buundadaasi dhammaato, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay dhismaha Biriishkaasi uu fududeeyey isu socodkii ardayda ee Jaamacadda iyo magaalada oo markii hore dhib badani ka taagnayd muddana dheerna baahi u qabay inay mar uun haleen biriish ay kaga gudbaan doxa si ay waxbarashada jaamacada uga soo gaadhaan wakhtiyada roobabka.

Wa-bilaahi tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*