Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caawa Xaafada New Hargeysa La Caweeyey

Hargeysa, November 22, 2022 (Haatufonline) – Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa booqasho kadis ah ugu tagay dadweynaha iyo meheradaha Ganacsi ee Xaafada New Hargeysa.
Booqashadan Madaxwayne Biixi oo aan hore loo sii ogayn waxaa u caawa ku tagay xaafada New Hargeysa gaar ahan aaga Hotelka Kaah oo uu shacab badan halkaasi kula soo caweeyey.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Meheradaha iyo Suuqyada dadwaynihii ku sugnaa ay ku noqotay arin la yaab leh ka dib markii ay ku war heleen Madaxweyne Biixi oo la jooga.
Ilaa iyo hada ma jiro war ka soo baxay Madaxtooyada oo ka hadlay booqashadan caawa uu Madaxweyne Biixi ku tagay xaafadaha Bariga Hargeysa gaar ahaana New Hargeysa

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*