Latest News

Maraykanka Oo Si Adag Uga Hadlay Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Farmaajo

“Waxaanu Adeegsan Doonaa cunaqabatayn Iyo Xanibaado Dhinaca Safarka Ah, Si Looga Jawaabo Dadaallada Lagu Wiiqayo Nabadda Iyo Xasilloonida” Antony Blinken

Washington, April 14, 2021 (Haatufonline) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay “aad uga niyad jabsan tahay” ansixinta sharciga mudada labada sano ah loogu kordhiyay madaxweynaha Somalia ee ay ugu kordhiyeen xubnaha baarlamaank.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in “Dhaqan-galka sharcigani uu carqalad weyn ku noqon doonaa wadahadalka, isla markaana uu sii wiiqayo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yidhi Blinken.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxay ku qasbi doontaa Maraykanka inuu dib u qiimeeyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee aanu la leenahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeybgalka diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in aanu adeegsano dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xanibaad dhinaa fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida,” Ayuu yidhi.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey Isniintii in loo kordhiyo muddada afarta sano ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo dhammaatay bishii February, iyo laba sano oo kale loogu daro.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo urur-goboleedka IGAD ayaa ku sheegay bayaan ay si wada jir ah u soo saareen in aanay taageeri doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo madaxweynaha Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*