Latest News

Maraykanka Oo Weeraro Cirka Ah Ku Dilay 8 Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

Jilib, December 11, 2020 (Haatufonline) – Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay fuliyeen laba duqeyn oo dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada u sameeya ururkaasi, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

War hordhac ah oo lagasoo saaray duqayntan, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 8 xubnood oo door muhiim ah ka ciyaara soo saarida walxaha qarxa, oo ay ku jiraan qaraxyada lagu xidho gawaadhida xamuulka qaada.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM waxa uu sheegay in natiijada ilaa hadda la ogyahay aanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay hawlgalkaasi shalay.

“Waxaan sii wadeynaa inaan garaacno kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan anaga ama lamaanayaasheena,” ayuu yidhi, Maj. Gen. Dagvin Anderson, Taliyaha howlgalada Wadajirka ah ee AFRICOM.

“Taliska Africom iyo la-hawlgalayaashiisa caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xasilloonida Soomaaliya. In kasta oo nabadda iyo xasilloonidu u baahan yihiin maamul adag iyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo barnaamijyo dhaqaale iyo fursado, haddana nabadgelyadu waa aasaaska mid kasta.,” ayaa lagu yidhi, bayaanka AFRICOM.

Taliyaha ciiddanka Africom, Stephen J.Townsend, ayaa sheegay duqayntan inay muujinayso  sida ay nooga go’an tahay ciribtirka halista iyo taageerida saaxiibadooda Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*