Latest News

Markale Iyo #Alshabaab Oo Qarax La Beegsatay Maqaaxi Isgoys Ku Agtaal Magaalada Muqdisho.

Muqdisho,August 20,2021(Haatufonline)-Shalay gabal dhici ayey aheyd markii ay Alshabaab qarax lasoo beegsadeen Maqaaxi dad fadhiyaan oo shaaha laga cabbo magaalada Muqdisho iyadoo uu ka dhashay khsaare dhaawac iyo dhimashaba leh. Alshabaab waxay guul u haystaan askariga ku jiray dadkii ku dhintay qaraxa hasa yeeshee dan kama laha dadka rayidka ah ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaadheen iyo waliba khasaaraha dhaqaale ee ku dhacay qoyskii meheradda burbrtay lahaa ee halkaas ku waayeey ishi ay quutal daruuriga ka heli jireen.Maxayse taraysa ee guul ka dhigaya Askari isba tiisii la ciirciiraya oo la dilaa?!.
Isla sanadkan gudahiisa ayaa isla isgoyskan meel aan ka fogayn ay qarax la beegsadeen u fuliyey qof sidan oo kale miidaamo ahaa waxaana halkaas ku nafwaayey dad tiradoodo 10 kor u dhaaftay oo wada dhalinyaro ahaa.
Dabcan Alshabaab ma jirto wax faaiido oo falaka noocan ah ugu jirta oo aan aheyn inay argagax iyo cabsi ku aabuurto dadka si ay dano dhaqaale uga fushato bulshada taaso ah baadda ay dadweynaha iyo ganacsatadaba ka qaado.

 

Connect with us on Facebook