Latest News

Masri Caasha Badhi Tahriibinaya Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa

Hargeysa,September 14,2021(Haatufonline)- Madaarka Egal International Airport ee Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay Caasha Badhi si sharci darro ah dalka looga saarayey.Nin Masri ah oo Caasha Badhidan ku sitay shandad ayaa waxa aan qabinin mashiinki alaabta rakaabka lagu baadhi jiray hasayeeshee waxa ninkii u fiirsaday Shaqaalaha madaarka ee baadha dadka dhoofaya iyo alaabtooda oo baadhitaan gacanta ah ku sameeyey alaabtiisii,waxaanay shandad ka mid ah ka heleen Caasha Badhi ku jirtay.Ninki iyo kootarabaankiiba waxay u gudbiyeen bilayska madaarka.

Connect with us on Facebook