Latest News

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Farmaajo Uga Digay Talaabo Kasta Oo Uu Ku Marin Habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho, September 14, 2021 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil oo garsoorka horyaala, waxaanu Raysal Wasaare Rooble uu marin habaabin ku tilmaamay guddida baadhista ee uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Raysal Wasaaruhu waxa uu ku sheegay War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafíiskiisa inay sharci darro tahay in guddi  kale lagu dul magacaabo, gudi hore, waxaanu faray xeer ilaalinta maxkamadda ciiddamada qalabka sida in ay dardar galiyaan kiiska Ikraan Tahliil, si ay qoyskeeda u helaan  caddaalad madax bannaan oo ka madhan faragalin.

 

Connect with us on Facebook