Latest News

Maxaa Dhiman Kadib Xeerkii Lagu Gaadhay Djibouti 2009 Ee La Dagaalanka Amnidarada Biyaha Gacanka Cadmeed Iyo Galbeedka Badweynta Hindiya

Haatufonline,July 17,2023 -Waxay aheyd sanadkii 2009 markii ay Djibouti iyo 19 dal oo kale ay ku shireen magaalada Djibouti kuna gaadheen is-faham ay ku wada shaqayn doonaan oo ku saabsan la dagaalanka falalka budhacnimada ah ee loo gaysto maraakiibta marta biyaha Galbeedkka Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Xeerkan oo ay kala saxeexdeen 20 dawladood waxa Djibouti taraxayey dalal ay ka mid ahaayeen Yemen, Kenya,Ethiopia,Seychelles,Madagascar , Maldives,Saudi Arabia Masar ,Imaaraatka,Koonfur Afrika. Waxa kale oo shirka Djibouti danaynayey oo goobjoog ahaa ama dusha kala socday qaar ka mid ah dawladaha waawayn sida India Maraykanka,Japan Ingiriiska,iyo waliba dawladda Norway, waxaana qodobadi laga soo saaray laga diwaangaliyey haya’da Qarama Midoobay u qaabilsan arimaha badmareenimada ee loo yaqaano International Maritime Organisation (IMO). Ka qaybgaleyaasha shirka Djibouti waxay u badnaayeen dalal ku kala yaala xeebaha Badda Cas ,Gacanka Cadmeed iyo Bariga Afrika iyo Jasiirado yar yar oo ku yaala Badwaynta Hindiya. Dhammaan dalalkaasi oo ay saameeyeen falalka budhacadnimada ah ee lagula kaco gaadiidka mara biyaha badda ayaa waxay noqotay inay markii ugu horaysay iskaga yimaadaan sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahyayeen ka hortagga iyo la dagaalanka falalkaasi halista galinaya amaankii badmarista.

Iyadoo laga duulayo is-afgaradkii Djibouti iyo xeerkii (Djibouti Code of Conduct) kasoo baxay ayaa sanadkii 2020 waxa magaalada Jedda lagu qabtay shir kale oo ay isugu yimaadeen isla dawladihii ka qaybgalay kulankii Djibouti ee hore iyadoo falanqayn kadib la isla gartay in Kaluumaysiga sharci darada ah lagu daro arimaha ay dawladaha dalalkaasi iska kaashan doonaan sidii wax looga qaban lahaa.

Hadaba inkastoo guulo waawayn laga gaadhay budhcad-badeednimadii hadana waxa jirta in aan wali wax horumar ah oo hagaagsani ka qabsoomin dhinici xakamaynta falalka kale ee iyaguna dhibaatada ku haya nolosha dadka ku nool xeebaha dalalka saboolka ah sida Kaluumaysiga sharci darada ah iyo xaalufinta deegaanka uu kaluunku ku noolyahay iyo waliba waxayeelada loo geysto bi’addii ay biyaha baddu ku dhexyaaleen ee Ilaahay ku abuuray,iyadoo sababta lala xidhiidhinayo dawladaha waaweyn oo u arka in aanay dani ugu jirin wax-ka-qabashada sadexdaasi arimood ee dambe ee lagu kordhiyey xeerkii Djibouti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*