Latest News

Maxaa Hortaagan Xoraynta Saldhigga Ugu Wayn Ee Alshabaab Ku Leedahay Aadan Yabaal

Muqdisho,October 20,2022(Haatufonline)-Waxa muddo dheer la sugayayey in ciidamada deegaanka iyo kuwa dawladda oo iskaashanaya ay weerar ku qaadaan saldhiga ugu weyn ee kooxda Alshabaab ku leeday gobolka Shabeelada Dhexe kaasoo ku yaala Aadan Yaabaal oo 217 km dhinaca waqooyi bari kaga beegan Muqdisho. Ciidamda la qorsheeyey inay hawgalkan ka qaybgalaan ayaa hadda lagu sheegay inay ku suganyihiin deegaanka Biyo Cadde oo ay usii gudbi doonaan deegaano ku dhaw Aadan Yabaal. Hasayeehee waxa hadda soo ifbaxaya warar sheegaya jiritaanka carqalado beesha Abgaal dhexdeeda ah oo ka horyimid fulinta weerarkii lala maagaana Aadan Yabaal taasoo sababtay inuu qorshehiisii militari kala dhantaalmo.

Caqabadaha ugu waaweyn ee hakadka galiyey hawlgalkii ku jihaysnaa Aadan Yabaal waxa ka mid ah iyadoo qaar ka mid ah jilibyada beesha Abgaal ay ganafka ku dhufteen ka-qay-bgalka dagaal lagu qaado Alshabaab halka jilib ka mid ahi isagu sheegay inuu la safan doono oo u difaaci doonoo kooxda Alshabaab. Cabddilaahi Cali Caaraay oo sheegtay inu yahay nabadoonka guud ee Warsangali Abgaal ayaa isugu soo bandhigay dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan beeshiisa oo uu ku tilmaamay mujaahidiin diyaar u ah difaaca Alshabaab.

Waxa kale jirta lacag dhawr milyan oo doolar ah oo lagu talogalay in lagu laaluusho saraakiisha ciidanka dawladda si ay u carqaladeeyaan hirgalinta hawlgalka Aadan Yabaal. Sida la sheegay lacagtan qaybinteeda ayaa waxa ka masuul ah maalqabeenka mayilka adag ee Abukar Cumar Caddaani waxaana la aaminsanyahay in Qadar ay ku lug leedahay curyaaminta qorshaha weerarka Aadan Yabaal ee dhicisoobay. Dawladda Qadar ayaa muddo dheer isku taxalujinaysay inay dhexdhexaadiso dawladda Somalia iyo Alshabaab si ay sumcad caalami ah uga hesho arintaasi. Sidaas darteed Qadar raali kama aha in jab weyn la gaadhsiiyo oo laga guulaysto Alshabaab si aanay uga lumin fursadda dhexdhexaadintu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*