Latest News

Maxaa Kala Dhantaali Kara Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab Iyo Sideebaa Looga Hortagi Karaa

Beledwayn,October 17 2022(Haatufonline)- Dalka Somalia waxa ka bilaabmay abaabul dagaal oo la doonayo in dalka lagaga xoreeyo kooxda Alshabaab oo gobolada Somalia intooda badan gacanta ku haysay muddo dheer.Hasayeeshee ilaa hadda waxa u abaabulkaasi ku koobanyahay dhinaca militariga oo kaliya laakiin waxa qorshahan ka maqan arimo kale oo ay daruuri tahay inay barbar socdaan hawlgalada militari kuwaasoo la’aantood sababi kara inuu kala dhantaalmo la dagaalanka xoogaga argagixisadu .Iyadoo ay jiraan dhaliilo soo baxaya oo ku saabsan dhinaca militariga laftiisa sida mudada dheer ee dagaalka lagu eegayey beesha Xawaadle hasayeeshee talaabooyinka la tabayo ee ama aan si fiican loo hirgalin ama wali qabyada ah ee ay aheyd inay xukuumaddu ku dhaqaaqdo si ay ula jaanqaadaan dagaalka qoriga waxa ugu muhiimsan kuwan :

1. Dagaalkii Alshabaab lagu dhaqaale tirayey oon ilaa hadda hirgalin taasoo Alshabaab u saamaxaysa cimri dherar maa daama ay wali haysato awoodeedii dhaqaale ee ay howlaheeda ku kala dabari jirtay.Inkastoo ay dawladdu ku dhawaaqday in cidii lacag iyo xoolo siisa Alshabaab sharciga lala tiigsan doono,haddana waxa hubaal in Alshabaab ay wali cashuurti ka gurato dadka gaar ahaan magaalada Muqdisho.Waxa muuqata in xukuumadda Xasan Shekh ay wali ku dhici la’dahay inay shirkadaha isgaadhsiinta,baananka iyo xawaaladaha ay dul dhigto amaro culus oo ay ku joojiyaan lacagaha la soo mariyo iyo tay iskood iyagu u bixiyaan ee ku dhacda khasnadaha Alshabaab.Guulna lagama gaadhi karo arintan ilaa iyo inta xukuumaddu la imanayso qorsheyaal cad cad oo lagu joojinayo dhaqaalaha la siiyo argagixisada oo khasab lagaga dhigayo shirkadaha maaliyadeed iyo kuwa isgaadhsiineed inay u hogaansamaan.Ma noqonayso in Macawislaydu ay dhiigooda u daadiyaan naftooda iyo maalkoodana u huraan sidii Alshabaab la iskaga xorayn lahaa, maalqabeenada waaweynina ay wali bixiyaan lacagti lagu layn lahaa kuwii ku jiray dagaalkii xabadda ee dalka lagaga sifaynayey argagixisada.2. Xukuumadda oon wali wasaaradaheeda ku jihayneyn dagaalka iyo waajibaadka ka saaran ee mid walba looga baahanyahay inay gutaan.Masalan waxay aheyd in wax laga qabto baahiyaha kala duwan ee ka jira deeganada la xoreeyey ee burburku soo gaadhay. Laakiin xukuumaddu waxay wali u dhaqmaysa sidii waqtigii hore ee ay masuuliintu ku fooganaan jireen awood iyo dhaqaale urursi kaliya. Dagaak iyo musuqmaasuqna meel iskuma galayaan. Sidaas darteed waxa lagama maarmaan ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu wax ka qabto musuqmaasuuqa xididaystay ee hab-dhaqanka u noqday isla markaana curyaamiyey dawladnimada Somalia.

3. Waxa maqqan wacyigalin diimeed oo balaadhan oo bulshada loogu sharxayo fikirka takfiiriga ah ee qaldan ee Shabaabku adeegsadaan iyo sida uu fikirkaasi uga been sheegayo diinta Islaamka ee saxda ah. Inta badan waxay fikirkoodaa ku hanuuniyaan dhalinyarada da’da yar si ay ugu qanciyaan inay ururkooda kusoo biiraan oo ay dadka isku qarxiyaan. Waxa kale oo jira dad ku nool meelaha ay Shabaabku haystaan oo ay maskaxdooda ka buuxiyeen macluumaad diimeed oo qaldan oo u baahan in la saxo.

4. Waxa jira dad badan oo ku nool deegaanada ay Shabaabk xukumaan oo iyagu iskood u taageera Alshabaab.Dadkan oo ahaan jiray beeralay dhulkoodii ay ka qaadeen qabaailka hubaysani,waxay Alshabaab u arkaan xoog ay ku tirsanaan ka raan oo ka difaaca qabaailka hubaysan.Waxaanay dhalinyaradooda ku dhiiri galiyaan inay Shabaabka ku biiraan. Arintan oo ah mid u baahan xal siyaasadeed ayaa waxa looga fadhiya Xasan Sheekh inuu ka badheedho wax-ka- qabashadeeda kana shaqeeyo sidii dadkaasi loogu soo celin lahaa dhulkii laga boobay. Hadii lagu dhaqmo istraatiijyad dhamaystiran oo tixgalinaysa wajiyada kala duwan ee la dagaalanka Alshaabaab leeyahay sida aanu kor kusoo xusanay,waxa hubaal ah in aakhirka argagixisada laga guulaysan doono. Waxa seh muhiim ah in dagaalka Alshabaab dadka looga dhigin mid dhawr bilood ama sanado gudahood ku dhamaanaya isla markaana si weyn looga taxadiro deegaan la xoreeyey oo laga soo noqday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*