Latest News

Midowga Murashixiinta Iyo Puntland Iyo Jubaland Oo Ku Bahoobay Gole Cusub Oo Guddoomiyena Ay Ugu Doorteen Cabdi Xaashi

Muqdisho, March 18, 2021 (Haatufonline) – Magaalada Muqdisho ayaa lagaga dhawaaqay Gole cusub oo ay ku bahoobeen madaxda Midawga Musharixiinta Mucaaridka ah, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Isbahaysiga Golahan cusub ayaa loogu magac daray (Golaha Badbaado Qaran), waxaana gudoomiye looga dhigay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia, Cabdi Xaashi.

Xubnaha ku bohoobay Golahan cusub ee Badbaado Qaran ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay hotel ku yaala xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaanay sheegeen, in Golahani uu ka shaqayn  doono sidii Somalia ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana looga badbaadin lahaa doorasho ku dhisan boob.

Siyaasiyiintan miisaanka leh ayaa si weyn uga soo horjeeda inuu sii joogo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia, waxaanu noqonayaa golihii u horeeyey ee noociisa ah ee laga sameeyo Somalia tan iyo mudadii ay ka baxday kumeel-gaadhka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*