Latest News

Mooto-Bajaaj Sida Walxaha Qarxa Oo Lagu Qabtay Afgooye Iyo Bileyska Somalia Oo  Digniin Soo Saaray

Muqdisho, November 12, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada Amaanka Somalia ayaa qabtay mooto-bajaaj siday walxaha qarxa.
Waxaana u suurta gashay inay si nabad ah uga soo kadib markii Bajaajta ay ku timid cilad dhinaca mishiinka ah maanta oo Sabti ah.
Dhinaca kale Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa Maanta soo saaray digniino culus oo la xadhiidha qaraxyo waa weyn oo uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsan tahay iney ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.
Gaashaanle sare Cali Dhuux ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Al-shabaab ay qorsheysay qaraxyo waa weyn oo ay doonayaan iney ka geystaan magaaloyinka kala ah Baledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa qoraalkiisa ku faray laamaha amaanka gobolka Hiiraan iney muujiyaan foojignaan dheeraad ah, si ay uga hortagaan qaraxyada uu tilmaamay ineu qorsheynayaan Al-shabaab oo uu si gaar ah u xusay in todobaadkan gudahiisa ay dhici karaan qaraxydaaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*