Latest News

Dawlada Maraykanka Oo Laba Jibaartay Lacagta Ay Dul Dhigtay 3 Masuul Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

Nairobi, November 14, 2022 (Haatufonline) – Dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay lacagta abaalmarinta ah ee ay siinayso cidii soo sheegta maclumaad ku saabsan saddex hoggaamiyo oo ka tirsan ururka Alshabaab.
Saddexdan xubnood ayaa waxa ku jira hoggaamiyaha ururka Al-shabaab Ahmed Diiriye, Mahad Karate and Jehad Mostafa, kuwaas oo lacagta abaalmarinta macluumaadka sahlaya in la qabto cidii soo sheeta ay siinayso dawlada Maraykanku $10 million.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia Larry Andre, oo maanta kula hadlayey warbaahinta magaalada Nairobi ayaa ku eedeeyey saddexda hoggaamiye ee Al-shabaab inay maleegeen weeraro argagixiso oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Somalia iyo Kenya, waxaanu ugu baaqay in gacan laga gaysto qabashada ragaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*