Latest News

Morocco Oo Koobka Aduunka Ka Reebtay C.Ronaldo/Portugal

Doxa, December 11, 2022 (Haatufonline) – Ciyaar qurux badan oo caawa ku dhexmartay garoonka Al Thumama Stadium xulalka Morocco iyo Portugal ayay guushu 1 gool iyo waxba ay ku raacday Morocco.
Ciyaartan oo ahayd mida quarter finals-ka loogu soo baxayey ayay ku diirsadeen guusha Morocco dalalka Afrika iyo caalamka carabta oo soo buuxdhaafiyey garoonka ciyaartu ka socotay.
Qaybtii hore ee ciyaarta oo gabogabo ku sii dhaw ayaa Morocco ay ku hubsatay shabaqa xulka Portugal, goolkaas oo uu madaxa ku dhaliyey laacibka Y. En-Nesyri daqiiqdii 42aad ayaa noqday ka koobka aduunka ka reebay Portugal oo ka mid ah xulalka markii hore loo saadaalinayey inay koobka qaadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*