Latest News

Morocco Oo Rigoorayaal Kaga Guulaysatay Spain, Una Gudubtay Wareega 8 Dhamaadka

Doxa, December 6, 2022 (Haatufonline) – Ciyaar kulul oo ay caawa iskaga horyimaadeen Xulalka kubadda cagta ee Morocco iyo Spain oo ku dhexmartay garoonka Educational City Stadium ee dalka qadar ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta iyo 30daqiiqo oo lagu daray lagu kala bixi waayey.
Hase yeeshee labada kooxood ayaa loo dhigay laaga tooska ah ee rigoorayaasha waxaanay guushu ku raacday xulka dalka Morocco oo 3 gool iyo waxba oo rigoorayaal ah kaga badiyey Spain.
Guusha Marocco ayay isha ku hayeen dalalka Afrika iyo Carabta oo lagu reebay wareegii 1aad marka laga roobo Morocco oo haatan u gudbay wareega 8 dhamaadka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*