Latest News

Reer Galbeedku Teelo Umay Dhigan Laakiin Qatar Waxay Ku Guulaysatay Qabashada Koobkii Aduunka Ee Ugu Quruxda Badnaa Abid.

Haatufonline,December 6,2022.

Waxa dalka Qadar ka socda Koobkii Aduunka oo doorkan ay kasoo qaybgaleen xulka 32 dal oo matalaya qaaradaha kala duwan ee dunida kuwaasoo ay 16 dal oo ka mid ahi u gudbeen wareegii isreeb reerbka.Waxaana hadda bilaabmay wareegii 8aad kuwaas oo ay 4 xul kasoo dhex bixi doonaan oo laba ka mid ahi aakhirka isku soo hadhi doonaan iyadoo kooda badiyaa ku guulaysan doono Koobkii Aduunka Qatar 2022.

Waxay aheyd sanadkii 2010 markii u dalka Qadar ku guulaystay inuu Dooxa ku qabto ciyaaraha Koobka Aduunka ee sanadka 2022. Hasa yeeshee laga bilaabo sanadkii 2010 iyo ilaa waqtigii ay bilaamayeen ciyaaraha Koobku,waxa dalka qadar ku socday dagaal ba’an oon kala go’ lahayn oo lagu sumcad dilayo si looga wareejiyo qabashada Koobka Aduunka. Dagaalkan waxa aan u kala hadhin dawladaha iyo warbaahinta reer Galbeedka. Waxa xujo looga dhigay in dawladda Qadar ay shaqaalihi ajnabiga ahaa ee dhisayey garoomada, wadooyinka iyo tas-hiiladka kale ee loogu talogalay ciyaaraha Koobka duudsiisay xuquuqdoodii. Inkastoo ay arintaas wax ka jireen hadana dawladda Qadar looma tixgalinin talaabooyinka wax-ku-ool ah ee ay markiiba ku dhaqaaqday si ay arintaas wax uga qabto. Waxa ku xigtay oo marmarsiiyo looga dhigay in shaqaale tiro badani ku dhinteen hawlihii dhismaha. Inkastoo tirada ay warbaahinta reer Galbeedku sheegtay ay aheyd mid la buunbuniyey hadana may aheyn wax lala yaabo in mashruuc balaadhan oo tobanaan kun oo shaqaale ahi ay dhisayaan ay qaarkood u dhintaan shil soo gaadhay ama arimo caafimaad. Qodobka ugu dambeeyey ee loo cuskaday in Qadar laga wareejiyo ciyaaraha Koobku wuxu ahaa ragga isu taga iyo dumarka isu taga taasoo ay yidhaahdeen in Qadar aan laga ogolayn dadka dhaqankaas leh .

Bilxaqiiqa reer Galbeedku waxay Qadar u quudhi waayeen qabashada Koobka Aduunka maa daama ay tahay dal yar oo Carbeed oo Muslim ah waxaanay ula dhaqmeen si kibir,dhaylsi iyo cunsurinimo ku jirto. Hase yeeshee dawladda Qadar waxay sutida u qabatay oo ay ka guulaysatay dhammaan culaysaydii la saaray iyo dacaayadihii lagu ganay si loo fashiliyo. Maantase waxay dadaka daafaha dunida ka kala yimid ee Dooxa joogaa qirayaan in Qadar ay ku guulaysatay qabashada Koobkii Aduunka ee ugu nidaamka fiicnaa uguna quruxda badnaa abid. Dawladda Qadar lagama jeclayn Somaliland iyo Somalia hab-dhaqankeeda siyaasadeed darteed laakiin waxay mudan tahay in lagu hambalyeeyo guusha ay ka gaadhay qabashada ciyaaraha Koobka Aduunka ee loo xistiyey inay qabato.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*