Latest News

Muqdisho: Sarkaal Booliska Somalia Ka Tirsan Oo Qarax Lagu Dilay

Muqdisho, May 28, 2020 (Haatuf) – Waxaa maanta qarax sida la aamisanyahay lagu xidhay gaadhigiisa ku geeriyooday sargaal ka tirsan Ciidamada booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Cabdi Dhicisow  oo loo yaqaannay ‘Jaabari” iyo  qof  kale oo la socotay, halka mid  kamid ilaaladiisa uu ku dhaawacmay  sida Warbaahiinta Somalia ay u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay dhowr xaafadood oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay waddada marta dhabarka dembe ee barxadda iskaashatooyinka oo aan ka fogeyn dhismaha hooyooyinka ee degmada Xamar weyne

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo durbaba gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa tilmaamay  in sargaalkaasi iyo  qof oo la socotay ay ku baxeen, sidoo kalena askari ilaalinayay uu ku dhaawacmay sida uu Warbaahinta u sheegay  Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.

Dhimashada sargaalkaan booliska ah ayaa kusoo aadeysa xilli laba jeer isbuucii lasoo dhaafay uu  qarax ka badbaaday Janaraal Cali Gaab oo ah taliyaha hoggaanka caafimaadka booliska Soomaaliya.

Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo dhimashada sargaalkaan la xiriirta ee kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*