Latest News

Musuqmaasuqa Doorashada Somalia Iyo Deni Oo Musharax Khadiija Codadkii Taageeray Kaga Iibsaday $300 Kun.

Muqdisho,April 29,2022(Haatufonline)-Siday caadadu aheyd markastoo doorasho ka jirto Somalia waxa doorashadi shalay ee guddoomiyaha kowaad ee golaha Shacabka oo ah aqalka hoose ee baarlamanka hadheeyey musuqmaasuq codadka xildhibaanada lagu kala iibsanayo.

Doorashadi shalay oo ay isu soo taageen ilaa 10 Musharax ayaa waxa wareegii kowaad ku guulaystay nin ka socday dhinaca kooxda Farmaajo oo la yidhaa Maxamed Wali kaasoo helay 59 waxaana ku xigay oo 58 cod helay Maxamed Cali Caana-Nuug oo lagu tiriyo dhinaca mucaaridka gaar ahaan Jubaland halka kaalinta sadexaad ay gashay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo heshayb 52 cod.
Khadiija Maxameed Diiriye oo mudo dheer wasiir aheyd laguna tiriyo garabka Farmaajo ayaa iyadu gashay kaalinta afraad waxaanay heshay 21 cod.

Hadaba intii aan loo gudbin wareegi labaad ayaa shirgudoonku sidii caadadu aheyd waxa uu masharaxiinti iyo xildhibaanadi fadhiga ku sugnaa siiyey waqti ay ku baayactamaan cida ay codkooda siinayaan wareegga labaad.

Culayska ugu weyn waxa la saaray musharax Khadiija sii ay 21 keeda cod u siiso Caananuug taasoo u danaynayey madaxweynaha Puntland Siciid Dani si uu u raaligaliyo saaxiibki madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe isla markaana aanay ugu soo bixin Sacdiya Yaasiin oo kasoo jeeda Gaalkacayo.Aakhirkii waxay Khadiiji aqbashay in marka hore $ 300,000 loogu shubo xisaabteeda taasoo u Deni markiiba fuliyey iyadoo ay heshiiskan dilaaliin ka ahayeen xildhibaano reer Mudug ah oo hoolka ku sugana sida Indha-Cadde,Saadiq Joon iyo kuwa kale.Waxase waqcad weyni ku dhacday Deni,Madoobe iyo musharaxi ay wateen ee Caananuug oo waxa cod tiro yar kaga guulaysatay Sacdiya Xaaji oo ay badhitaareen taageerayaashi Sheekh Shariif Axmed iyo kooxdi Farmaajo sidaasna ku noqotay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Aadan Madoobe.

Connect with us on Facebook