Latest News

Khayre Iyo Fahad Yaasiin Oo Quusanla’ Oo Midba Kharash Gooni Ugu Doontay Qadar

Muqdisho,April 29,2022(Haatuflnline)-Raiisalwasaarihi hore ee Somalia Xasan Cali Khayre oo walaac iyo naxdin weyn ka qaaday sida aanu midna u guulaysan dhamaan murashaxiinti uu taageeray ee u tartamay hogaanka labada aqal baarlamaan ee Somalia ayaa safar qarsoodi ah todobaadkan ku tagay dalka Qadar si uu taageero dhaqaale oo mudakar ah uga helo.
Waxa isna halkaas kaga daba tagay Fahad Yaasiin oo kharash doon ah oo muddo dheer xidhiidh dhaw la lahaa sirdoonka dawladda Qadar.Wali ma kala cadda in Fahad Yaasiin uu iskii kharash u doontay iyo inuu Dooxa u tagay si uu Xasan Khayre u taageero.
Sida la ogsoonyahay dawladda Maraykanka ayaa dalka Qadar marinada diblomaasiyadda ugu gudbisay digniin ah inay ka joogsadaan farogalinta arimaha doorashada Somalia oo aanay wax lacag ah ku taageerin murashaxiinta tartaramaya midkoodna.
Xasan khayre ayaa ka mid ah murashaxiinta jagada mafaxweynaga Somalia inkastoo uu cadaawad badan ka dhex samaystay shacbiga iyo kooxaha mucaaridka ee Somalia mudadi uu raaisalwasaaraha Farmaajo ahaa taasoo ka dhigtay qof aad looga necebyahay bulshada dhexdeeda.

Connect with us on Facebook