Latest News

Muxuu Ka Koobnaa Hubkii Farahabadnaa Ee Maraykanku Qabtay Ee Ku Socday Xuutiyiinta

Baxrayn,May 10,2021(Haatufonline)-War kasoo baxay Ciidamada Maraykanka ee Badda shalay Axaddi ayaa sheegay inay meel ku dhaw badda dalka Cummaan ku qabteen dooni siday shixnad hub ah oo ah tii ugu waynayd ee uu dalka Iran usoo diro Xuutiyiinta Yaman tan iyo ilaa markii  ay sanadki 2015 dagaaladu ka dilaaceen dalkaasi .

Hubkan oo saarnaa dooni aan laga garaneyn dalka laga leeyahay ayaa wuxu ka koobnaa qoryaha casriga ah ee ay ka dhacaan gantaalaha la hago ee lagula dagaalamo taankiyada( advanced anti-tank guided missiles) oo Ruuska lagu sameeyo,kumanaan qorayaha fudud ee loo yaqaano 56 (Chinese Type assault rifles) ee Shiinaha lagu sameeyo,boqolaal qoryaha PKM ah,qoryaha baazuukaha (RPG) iyo qoryaha shiishka soo dhaweeya(sniper rifles).

Caydamadan Maraykanka oo saldhiggoodu yahay dalka Baxrayn kadib markii ay hubkii la wareegeen waxay iska sii daayeen badmaaxyadii doonida watay iyadoo had iyo jeer la iska sii daayo dadka saaran doonyaha lagu qabto badda Cumaan iyo Gacanka Caddan iyagoo hub sida maa daama aanu jirin dal ogol in Maxkamad lagu saaro.

Connect with us on Facebook