Latest News

Dilka Taliye Baashane:Alshabaab Ujeedo Kale Ma Leh Aan Aheyn Nolol Xumo Iyo Ammaan darro Ay Xoolo Baad Ah Ku Urursadaan

Muqdisho,May 10,2021(Haatufonline)-Qaraxa is-midaaminta ah ee alay lagu dilay taliyhii saldhiga degmada Waabeeri ee magaalada Muqdishu Axmed Baashane ,mid ka mid ah ku xigeenadiisii iyo 4 qof oo rayid ah oo hormaraayey saldhiga qaraxa lala beegsaday waa fal mar kale tilmaamaya in ujeedada kooxda Alshabaab dhaafsiisnayn abuuritaanka jawi xasilooni darro iyo cabsi iskugu jira si ay u urursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka iyo ganacsatada.

Alshabaab ma shaqaysan karto hadii aanay ammaan darro iyo silic badin daka ku nool Somalia,waana sababta ay u bartilmaameedsato saldhigyada booliska gaar ahaan taliyeyaasha firfircoon ee xaafadaha ay masuulka ka yihiin laga jecelyahay sida taliyahii ay Alshabaab xalay qaraxa ku dishay ee  dhamme Axmed Baashane.

Connect with us on Facebook