Latest News

Nasra Abukar Oo La Waayey Meel Ay Jaan iyo Cidhib Dhigtay Oo Laga Helay Xero Qaxoonti Oo Suuriya Ku Taala

London, December 6, 2020 (Haatufonline) – Nasra Abukar oo ah gabadh ka tagtay magaalada London, lana waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ayaa laga helay lix sanadood ka dib xero qoxoonti oo ku taala dalka Suuriya.

Nasra Abukar ayaa wakhti xaadirkan haysata ilmo yar oo saddex sano jir ah, waxaana qoyskeedu ay galeen baadigoob aad u balaadhan markii ay ka baxsatay qoyskeeda oo degan xaafada Lewisham sanadkii 2014, waxaana hada laga helay Xero qoxoonti oo Kurdish-ku ay gacanta ku yahaan oo ku taala Waqooyi Bari dalka Suuriya.

Xeradan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin ku dhawaad 70,000 qof, oo badidoodu ay yihiin haween iyo caruur ku barakacay dagaalka suuriya, waxaana ka mid ah gabdho tiradoodu gaadhayso 3,000 oo ah xaasaska dagaalyahanadii kooxda ISIS.

Markii ay Nasra ka soo tagtay London, waxa ay cagta saartay dhinaca Suuriya iyadoo guursatay dagaalyahan ka yimid Cardiff, sida ay ku warantay the Times.

Waxay dhashay laba wiil Faris iyo Talha, balse Faris ayaa ku dhintay weerar dhinaca cirka ah, halka Talha uu hada hooyadii kula noolyahay Xeradaasi. Nasra iyo odaygeeda Aseel Muthana ayaa la rumaysnaa inay sii joogeen meeshii ugu dambaysay ee dhulka kooxda daachish ay gacanta ku haysay oo ah magaalada Bargouz oo ku taala bariga Suuriya oo ay dib u qabsadeen bishii March 2019.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*