Latest News

Nusqaanta Balanka Xuuthiga In Aanay Weerarin Maraakiibta Shiinaha Iyo Ruushka

Haatufonline,April 10, 2024.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamku dabayaaqadii bishii March gaar ahaan Mareegaha wararka ee Bloomberg,Xuuthiyiinta Yaman ee Iran taageerto ayaa dhawaan heshiis kula gaadhay saraakiil ka socotay dawladaha Shiinaha iyo Ruushka in aanay weerarin maraakiibtooda marta Badda Cas iyo biyaha loo yaqaan Gacanka Cadmeed ama Gacanka Berbera.
Sida la sheegay heshiiskan ayaa qabsoomay ka dib markii uu kulan sadex geesood ahi uu dalka Cumaan ku dhexmaray Afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta Maxamad Cabdulsalaam iyo wakiilo ka kala socday Shiinaha iyo Ruushka.
Waxa la rumaysanyhay in Xuuthiyiintu ay arintan waydaarsadeen balanqaad ay ka heleen Shiinaha iyo Ruushka oo ah oo in labada dawladood ee waawayni ay Xuuthiga ka taageeraan dhinac siyaasadda iyo diblomaasiyadda gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramaday Midoobay dhexdiisa.
Hadaba waxa isweydiin leh Xuuthiyiintu ma oofin doonaan heshiiskan waayo waxa la ogaa in Al-Bakhiiti oo ka tirsan Golaha Siyaasadda ee Xuuthiyiintu uu bishii January balanqaadkan oo kale sameeyey oo haddana ay Xuuthiyiintu weerareen Markab Shiinuhu leeyahay iyo Taakar siday Shiidaal Ruushku leeyahay. Shiinaha oo badeecadaha uu u diro Yurub lagu qiiyaasay in 60% ay maraan Badda Cas kana gudbaan Suez Canal isla markaana masaalex dhaqaale oo shilis ku leh mandaqadda Badda Cas ayaa waxa dad badani la yaabsanaayeen sababta uu awoodiisa u isticmaali waayey ee uu wax uga qaban waayey amni xumada ka taagan Badda Cas ee dhaqaale ahaan saamaysay Shiinaha iyo dalalka kale ee Mandaqadda. Dhinaca kale halkii laga filayey in Shiinaha iyo Ruushku ay u dhaqmaan sidii dawlado waaweyn oo la isku halayn karo waxa uu heshiishkan ay kaligood la galeen Xuuthiyiinta labadaba ku noqonayaa nusqaan weyn gaar marka la eego dhinaca dalalka yar yar ee dhaqaale xumadu kasoo gaadhay weerarada ay Xuuthiyiintu la beegsanayaan maraakiibta isticmaasha Bsdda Cas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*