Latest News

Puntland oo maanta xoog ku furatay markabkii Shidaalka Sibu1

Haatufonline — 25 September, 2026

Ciidanka Badda ee maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa maanta xoog kusoo furtay markab shidaalka qaada oo lagu magacaabo Sibu1,kaasoo ay budhcad-badeed kasoo afduubtay biyaha Gacanka Cadmeed oo ay keeneen xeebta Puntland bishi August ee lasoo dhaafay.
Hawgalkan lagu soo badbaadiyey markabka iyo dhamaan labaatankii shaqaalaha ahaa ee saarnaa waxa ciidanka Puntland kaga dhaawcmay hal askari. Dhinaca budhcad-badeeda waxay kaga dhintay hal qof iyadoo gacanta lagu wada dhigay xubnahi kooxdii markabka afduubtay dhamaantood.

Sibu1 waxa oo sitay calanka Eritrea markii la afduubay,wuxu ka mid ahaa maraakiibta qaadda shidaalka Iran ee kontorobaanka ah, waxana Sibu1 saarnayd xayiraad ay dawladda Maraykanku kusoo rogtay sidaas la ajligeed iyadoo magaciisa hore loo odhan jiray ” Seamull “
Shaqaalaha Sibu1 waxay kasoo kala jeedeen dalalka
Hindiya (16 ),Suuriya ( 1 ) , Soodaan (1 )
Ciraaq ( 1 ) iyo hal badmaax oo aan jinsiyaddisa wali la cadayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*