Latest News

Qadar Oo Bixisay Lacag Farmaajo Loogu Qoro Ciidan Cusub Mushaharkana Loogu Kordhiyo Ciidamada Turkigu Tababaray Ee Harimacad Iyo Gorgor

Muqdisho,17 March,2021(Haatufomline)-Dawladda Qadar ayaa kafaalo qaaday inay bixiso lacag Farmaajo loogu qorayo ciidan cusub oo lagu kordhinayo ciidanka Harimacad ee Turkigu soo tababareen iyo waliba lacag mushaharka loogu kordhinayo ciidankii hore ee Harimacad iyo ciidanka loo yaaqaano Gorgorba.
Ujeedada xiligan iyadoo mudo-xileedkii Farmaajo dhamaaday doorashadiina wali khilaaf badani ka taagan yahay sidii loo qaban lahaa hadana ciidamo loogu biirinayo Harimacad isla markaana waqtigan xaadirka ah mushaharka loogu kordhinayo labada ciidan ee Gorgor iyo Harimacad ayaa waxay ku salaysantahay qorshe u Farmaajo damacsanyahay inuu ku hantiyo taageerada buuxda ee labadaas ciidan si ay ugu suurtowdo inuu boobo doorashada oo u qori caaradi kusii haysto xunkunka taas oo Qadar iyo Turkiguba ku taageersanyihiin.
Farmajo ayaa waxa qorshaha ah inuu adeegsado xoog ciidan oo uu aamino inuu kusii haysan karo talada dalka Somalia wuxu ku dhiiriday sidaas ka dib markii uu ku guulaystay inuu mucaaridka Muqdisho fashiliyo oo uu marwalba ka horjoogsado inay banaanbaxyo ay isaga ku diidanyihiin ka sameeyaan magaalo madaxda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*