Latest News

Qaramada Midoobay Oo Ergay Cusub Usoo Magacaabay Somalia

New York, May 4, 2023 (Haatufonline) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antรณnio Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ergeyga cusub ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).
Catriona Laing ayaa xilka kala wareegaysa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo lagu ammaanayย  hoggaamintiisa inta uu xilka hayo.

Laing oo haysta in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah, waxa ay jagooyin badan kasoo qabatay siyaasadda dawladda UK, heer qaran iyo heer caalamiba.

Waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Raโ€™iisal Wasaaraha UK (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009).

Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Safiirka cusub ayaa waxay dhawaan soo noqotay Safiirka Ingiriiska ee Nigeria iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Zimbabwe.

Laing waxa ay ka shaqayndoontaa wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin ka caawin doonta dowladda Soomaaliya dhismaha hayโ€™adaha dowliga ah, horumarinta xuquuqul insaanka iyo ku dhaqanka sharciga, isku dubaridka dadaallada gargaarka biniโ€™aadinimo, iyo taageeridda nabadda iyo amniga qaranka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*