Latest News

Somaliland,Genel Iyo Taiwan Oo Iska Kaashanaya Daloolinta Ceel Laga Baadhayo Shidaal.

Hargeysa ,May 4,2023(Haatufonline)-Somaliland ayaa bishan bilaabaysa daloolinta ceelal laga baadhayo shidaal waxaana ceelka ugu horeeya laga qodi doonaa deegaanka Xood oo ku yaala gobolka Todheer ee Somaliland.
Sida u sheegay wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax waxa arintan iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo labada shirkadood ee Genel iyo OPIC Somaliland Corporation.
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa mudooyinkan u dambeeyey ku hawlaneyd barnaamij lagu wacyi galinayo bulshada ku nool lix tuulo iyo laba degmo oo ka tirsan labada gobol ee Oodweyne iyo Saraar isla markaana ku teedsan deegaanka laga qodayo ceelka shidaalka oo loo yaqaan Block SL10B13 kaas oo markii hore ay shirkadda Genel rukhsad u haysatay in shidaal ka badho balse sanadkii 2021 ay 49% rukhsadeedii ku wareejisay shirkadda OPIC Somaliland Corporation oo laga leeyahay dalka Taiwan,iyadoo marka la tixraaco natiijadii sahamintii hore ee ay Genel ka qaaday deegaanka u ku fadhiyo block SL10B13 waxa lagu qiyaasay shidaalka ku jira in ka badan 5 billion (milliard) oo foosto.

Shirkadda saliidda ee ay leedahay dawladda Taiwan ayaa bixin doonta kharashka ku baxaya qodista shidaalka oo lagu qiyaasay 40 milyan oo doolar iyadoo ay dhaafsanaysa saamiga 49% ee ay kala wareegtay Genel halka xukuumadda Somaliland ay badh yeelan doonto waxsoosaarka.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo ay ka hanaqaadday dimuqraadiyadu ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan oo bilaabmay 2020.
Taiwan ayaa Somaliland ka caawisa dhinacyada wabarashada,caafimaadka iyo beeraha waxaana hadda Somaliland ku sugan wafdi ka socda shirkado reer Taiwan oo doonaya inay dalkan maalgashadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*