Latest News

Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Lagu Dilay Taliyeyaal Ka Tirsan Booliska Somalia

Muqdisho, May, 10, 2021 (Haatufonline) – Wararka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xalay lala beegsaday Saldhiga booliska ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa ku dhintay Taliyaha Saldhiga Booliska ee degmada Waaberi Axmed Baashane oo loo yaqiinay Calooleey iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde Cabdi Baasid Cabdullaahi.

Qaraxa ayaa ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, hase yeeshee  ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo sheegaya khasaaraha rasmiga ee qaraxa xalay ayaa hadana wararka hordhaca ah ee warbaahintu ay heleyso ay sheegayaan inuu jiro khasaare badan maadama xiliga qaraxa uu dhacayay uu mashquul xoogan ka jiray goobta uu qaraxu ka dhacay oo u dhaw Isgoyska Dabka oo ah Isgoys aad u saxmad badan, xiligan dadku ay u diyaar garoobayaan ciida ay jirto isku socod badan oo dhinaca dadka ah.

Connect with us on Facebook